Kabtanka Liverpool, Jordan Henderson, ayaa seegi doona kulanka maanta ay la leeyihiin Brentford, ee ka tirsan Premier League, ee ka dhacaya Griffin Park.

Henderson ayaa xitaa ka maqan kaydka kooxdiisa ee kulanka sabab la xidhiidha dhaawac dhinaca madaxa ah iyada oo aan ilaa haatan la shaacin halista dhaawaca soo gaadhay xiddiga.

Warkan ayaa dhirbaaxo ku ah kooxda Liverpool kuwaas oo ku dhibaatoonaya dhaawacyo ay uga maqan yihiin xiddigo muhiim u ah kooxda 1-aad.

Xiddiga Harvy Elliott ayaa badalay Henderson kaas oo ku bilowday khadka dhexe ee kooxda Liverpool kulanka Brentford ee horyaalka premier League.

Jordan Henderson ayaa dhamaystay 90-kii daqiiqo ee kulankii Leicester City ee Jimcihii waxana ay kooxdu haatan sugaysaa baadhitaanka dhaawaca xiddiga.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here