Waa Maxay Sababta Uu Jose Mourinho U Xasuustay Oraah Uu Lahaa Nelson Mandella Markii Wax Laga Weydiiyay Xaaladda Ay Ku Jirto Man United?

Advertisements

Tababare Jose Mourinho ayaa iska diiday inuu falanqeeyo qaab ciyaareedka liita ee ay kooxda Man United soo bandhigtay fasalkaan ka hor kulanka uu booqanayo garoonka Old Trafford, wuxuuna aaminsan yahay inuu kooxdaan ku bartay wayaabo badan.

Mourinho ayaa 12-bilood kadib kusoo laabanaya garoonkii laga ceyriyay, balse markaan wuxuu ku yahay cadaw maadaama uu bishii lasoo dhaafay dhamaadkeedii shaqada Spurs ka badalay Mauricio Pochettino, tan iyo markaas wuxuu ku jiraa rikoor 100% ah.

Macalinka reer Portugal waxaa kulan walba laga dhaliyay (2-gool) saddexdii kulan uu kooxda maamulay, balse dhamaan wuu badiyay iyadoo ay kooxdiisa dhalisay 10-gool wadar ahaan.

Si kastaba wariyayaashii soo xaadiray shirkiisa jaraa’id ee maanta ayaa weydiiyay hadii uu hadal ka dhihi karo qaab ciyaareedka ay ku jirto Man United fasalkaan bilowga ah.

“Waa cutub iga xirmay aniga, waan ka tagay kooxda, waxaan qaatay wakhtigii aan ku fuliyay wax walba oo dhacay, waxaana nafteyda u diyaariyay tartan cusub” ayuu yiri Jose Mourinho oo ka hadlayay shirkiisa jaraa’id ee ka hor kulanka Old Trafford.

“Man United waxey aniga ii tahay boogeyga khibradaha, inyar oo la mid ah hadalkii uu yiri Nelson Mandella: “Waligaa ma guuldareysaneysid, waad guuleysanee ama wax ayaad baraneysaa”

Advertisements

“Wakhtigeyga United waan guuleystay, waxna waan bartay, wakhtigeyga markaan tagay kadib wuxuu ii ahaa mid ii fiican, mana ahan inaan falanqeeyo Man United”

“Inaan ku laabanayo Old Trafford waa sida inaan ku laabanayo meel aan ku faraxsanaa, waad aadi kartaa xafiiskeyga dabaqa kore, wali waxaa ku dhagan sawiradeyda wakhtigeyga Red Devils”

[embedded content]

Source: laacibfm

WARARKII