William Saliba ayaan wali wax kubad ah u laagin Arsenal laakiin kadib hal sano markii uu u saxiixay kooxda xiddiga reer France ayaa Emirates iman doona isaga oo wax weyn laga filayo.

19 jirkan ayaa 27 milyan oo euro ugu soo biiray Arsenal xagaagii hore laakiin waxa ay amaah ku siisay kooxdiisa St Etienne ka hor inta uuna ku soo biirin kooxda.

Silba ayaa wali da’yar ah laakiin waxa ay taageerayaashu rajaynayaan in uu xiddigu xaliyo dhibaatada daafaca ee kooxda haysata.

Xiddiga ayaa yimid Arsenal isaga oo balan qaad weyn u haya Arsenal xilli ayna Gunners ahayn kooxda kaliya ee doonaysay saxiixa xiddiga.

Wargayska The Telegraph ayaa sheegaya in ay kooxda Man United doonaysay saxiixa xiddiga Saliba suuqii January ee snaadkii 2019 xilli ay Red Devils dalab weyn ka gudbisay daafaca.

Laakiin isla wargayska ayaa sheegay in uu diiday kooxda Man United sabab la xidhiidha in uu taageere u ahaa Arsenal ilaa yaraantiisii waliba muddo weyn ku riyoon jiray ku biirista Gunners.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here