Waxa la soo afjaray kulamadii wareega Group-yada koobka adduunka kuwaas oo socday muddo 12 maalin ah iyada oo la ogaaday xulalka wareega xiga u gudbay iyo xulalka ka hadhay tartanka.

Wareega Group-yada koobka adduunka ayay ka dheceen lama filaano waaweyn iyada oo ay xulal badan oo magac ku leh tartanka ka hadheen koobka adduunka.

Xulalka Belguim, Germany, Denmark Iyo Uruguay oo ka mid ahaa xulalka loo saadaalinayay in ay meel fog ka gaadhaan tartanka ayaa dhamaantood ku hadhay Group-yada.

Koobka adduunka sanadkan 2022 ayaa laga dhigay rikoodh ay tartanka ugu dambaysay muddo 28 sano ah gaar ahaan koobkii adduunka ee la qabtay sanadkii 1994.

Xulalka ka qayb galaya koobka adduunka sanadka 2022 ayaa ku fashilmay in ay dhamaan wada badiyaan kulamada wareega Group-yada koobka adduunka sanadkan.

Markii ugu dambaysay ee ay sidaas ka dhacday koobka adduunka ayaa ahayd sanadkii 1994 markaas oo ayna xulalku dhamaan wada badin kulamadooda wareega Group-yada koobka adduunka.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here