Man United ayaa isha ku haysa in dalab madaxa ka weyn ay ka geeyso mid ka mid ah xiddigaha kooxda Barcelona waliba xagaagaan ayay doonayaan .

Daily Mail ayaa sheegeysa in United ay isla meel dhigeen in dalab waali ah ka geeyaan da`yarka Barcelona ee Anso Fati , mana ah markii ugu horeeysay oo ay soo damaaciyaan.

United oo la ogsoon yahay in ay diideen in Dortmund siiyaan aduun dhan 110 milyan si dhankooda u helaan Sancho waxa ay haatan diyaar u yihiin in dalabkaas mid ka weyn ka geeyaanm Fati.

Wargeyskaas waxa uu xaqiijinayaa in United diyaar u yihiin in ay Fati ka geeyaan dalab dhan 170 milyan oo euro lacagta euro ah .

United ayaa dooneysa in ay dadajiso baacsiga laacibkaas ka hor inta uusan saxiixin hishiis cusub taasi oo qiimaha suuqeed ee Fati ka dhigeysa 400 oo milyan oo euro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here