“Waan Kansalayaa Heshiiskayga, Waanan Iska Tegayaa” – Laacib Ka Tirsan Chelsea Oo Shaaciyey Inuu Tegayo

Advertisements

Xiddiga reer Spain ee Pedro ayaa shaaciyey inuu ka tegi doono Chelsea oo uu burin doono heshiiska uu kula jiro oo ku ekaa dhamaadka xili ciyaareedkan.

32 jirkan oo 12 sannadood oo uu ku jiray ciyaaraha, kana mid ahaa rukumadii Barcelona iyo Chelsea ku guuleystay 25 koob oo waaweyn, ayaa xor noqon doona dhamaadka xilli ciyaareedka, waxaana la filayaa inuu dib ugu noqon doono waddankiisa oo uu ku biiri doono kooxdiisii hore ee Barcelona.

Pedro oo u warramay warbaahinta waddankiisa Spain, ayaa waxa uu sheegay in uu ka tegi doono Chelsea marka uu dhamaado xili ciyaareedku, waxaana waraysi uu bixiyey uu ku sheegay in uu kansalayo wax kasta oo Blues kaga xidhnaada, waxaanu yidhi: “Waan kasnalayaa heshiiskayga, laakiin waqtigan, maaha kaasi waxa ugu muhiimsan, mana aha inaan joojiyo ka fikirkiisa.”

Advertisements

“Laga bilaabo halkaas, waxa uu mustaqbalkaygu ku dambaynayo way iman doontaa, laakiin waqtigan maaha waxa ugu muhiimsan marka aanad xattaa garanayn xilliga aad tababarka ku laabanayso.” Ayuu raaciyey.

Pedro waxa uu la hadlay xiddiga Barcelona ee Alba, waxaanu weydiiyey sida ay tahay xaaladda halkaas iyo saamaynta xanuunka Coronavirus, waxaanu yidhi: “Waxaan la hadlay Jordi Alba iyo qof kale oo la socday… xaaladdu waa isku mid, xaaladda lagu nool yahayna aad ayay uga qas badan tahay, waana hubanti la’aan.”

Comments are closed.

Source: laacibfm

WARARKII