Xiddigii hore ee kooxda Man United u muuqda in uu ugu dambayn ku biiri doono koox cusub kadib markii uu ka tagay Man United bishii la soo dhaafay.

Weeraryahanka Portugal Cristiano Ronaldo ayaa lagu soo waramayaa inuu diyaar u yahay inuu dhameystiro heshiiska qaaliga ah ee uu ugu biirayo Al-Nassr dhamaadka sanadka.

Soo laabashadii xiddiga 37 jirkan ee yarayd ayaa soo dhamaatay kadib bilo uu muran hadheeyay mustaqbalkiisa Man United isaga oo bixiyay waraysi muran badan dhaliyay oo uu siiyay saxafiga Piers Morgan.

Ka dib markii uu qirtay in uusan ixtiraam u hayn Erik ten Hag iyo waliba maamulka sare ee kooxda Milkiilayaasha Red Devils ayaa go’aansaday in ay kansalaan heshiiska xiddiga reer Portugal.

Ciyaaryahanka shanta jeer ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or ayaa haatan raadinaya koox cusub kadib markii uu ka tagay Kooxda Man United.

Tan ilaa markii Portugal ka hadhay koobka adduunka Ronaldo ayaa tababar ku qaadanayay garoonka tababarka Real Madrid ka hor inta uuna koox cusub ku biirin.

Kooxda ka ciyaarta Suadi Arabia ee Al-Nassr ayaa ka mid ah kooxaha sida weyn loola xidhiidhinayo saxiixa xiddiga reer Portugal.

Sida laga soo xigtay wargayska MARCA, Xiddiga 37 jirka ah ayaa ku biiri doona kooxda Al-Nassr dhamaadka saandkan waxana uu qalinka ku duugi doonaa heshiis 2 sano iyo badh ah kaas oo ilaa 2025 ku eeg.

 



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here