Warbaahinta Sacuudiga ayaa sii wada in ay xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo la xidhiidhinayaan kooxda Al-Nassr inta lagu jiro suuqa January.

Waliid Al-Faraj oo ah daadihiyaha caanka ah ee barnaamijyada ka soo jeedda dalka Sacuudiga ayaa xaqiijiyay in imaanshiyaha Ronaldo.

Dhankiisa, saxafiga Sacuudiga Khaled Al-Dhiab ayaa ku soo qoray bartiisa Twitter in heshiiska Ronaldo ee uu ugu biirayo Al-Nasrr dhamaaday isla markaas wax walba la dhamaystiray.

Isla saxafiga ayaa sheegay in uu Ronaldo si Rasmi ah ugu biiri doono kooxdiisa cusub 5 bisha January ee sanadka cusub ee 2023.

Cristiano Ronaldo ayaa bilaa koox ah tan ilaa dhamaadkii bishii November markii ay man United kansashay heshiiskii uu kula jiray kooxda.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here