Xiddiga Cristiano Ronaldo ayaa ku sii dhawaanaya in uu ku biiro kooxda Al-Nassr oo noqon doonta kooxdiisa cusub kadib markii uu ka tagay Man United.

Cristiano Ronaldo ayaa bilaa koox ah tan ilaa markii ay Man United kansashay heshiiskii uu kula jiray kooxda bishii November ee la soo dhaafay.

Sida laga soo xigtay CBS Sports, Cristiano Ronaldo ayaa isku diyaarinaya in uu noqdo xiddig Al-Nassr ah isla markaas qalinka ku duugi doono heshiiska uu ugu biirayo kooxda.

Ronaldo ayaa todobaadkan tijaabada caafimaadka u mari doona kooxda Al-Nassr si uu u dhamaystiro heshiiska uu ugu biirayo kooxda ka dhisan Saudi Arabia.

Kooxda Al-Nassr ayaa ku rajo weyn in ay dhamaystiri doonto saxiixa xiddiga ka hor inta aan la gaadhin 1 bisha January oo ah todobaadkan.

Cristiano Ronaldo ayaa haatan ku sugan dalka Saudi Arabia isaga oo qiimaynaya magaalada Riyad ka hor inta uuna si Rasmi ah qalinka ugu duugin saxiixa uu ugu biirayo.

Ronaldo ayaa wax walba u sameeyay sidii uu ugu biiri lahaa koox ka ciyaarta champions League ka hor inta una koox ka baxsan yurub u dhaqaaqin.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here