Eden Hazard ayaa ku dhibaatooday dhaawac tan ilaa markii uu ku soo biiray Real Madrid xagaagii hore, kadib markii uu diyaar u noqday ku soo laabashada kooxdiisa waxa uu dhaawac kale la kulmay Arbacadii

Zinedine Zidane ayaan shaacin wakhtiga uu Hazard soo laaban doono laakiin dhaawac muruqa ah ee soo gaadhay Hazard ayaa la filayaa in uu garoomada kaga maqnaado 3 ilaa 4 tododbaad.

Xiddiga reer Belguim ayaa la sheegayaa in uu soo laaban doono kulanka ay Real Madrid u safri doonto Barcelona si ay Camp Nou ugula ciyaarto 25 bisha October.

Dhanka kale Hazard ayaa seegi doona kulamada Levante iyo Cadiz iyo waliba kulamada xulka qarankiisa ee England iyo Iceland iyo saaxiibtinimada kulanka Ivory Cost.

Xilli uu bartilmaameedsanayo soo laabashada kulanka El Clasico xiddiga ayaa seegay kulamadii El Clasico ee xilli ciyaareedkii hore horyaalka La Liga.

Laacib.net


Source: Laacibfm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here