Shabakada caalamiga ah ee Sky Sport ayaa shaaca ka qaaday wakhtiga uu daafaca Thiago Silva tijaabada caafimaadka u mari doono kooxda chelsea ka hor inta uuna dhamaystirin ku biiristiisa.

Xiddiga Thiago Silva ayaa si xor ah ugu biiri doona kooxda chelsea kadib markii uu dhamaaday heshiiskii uu kula jiray kooxda PSG.

Sky Sport ayaa sheegaysa in ay Chelsea si Rasmi ah xiddiga Thiago Silva kala heshiisay wax walba oo heshiiska ku saabsan.

Isla shabakada ayaa sheegaysa in uu xiddiga reer Brazil ee 35 jirka ah maalinta khamiista tijaabada caafimaadka u mari doono kooxda chelsea.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here