Wakiilka Andre Onana ayaa ku adkeysanaya in goolhayaha uu ‘aad ugu faraxsan yahay’ Inter ka dib markii lala xiriiriyay inuu u dhaqaaqayo Chelsea.
Onana ayaa si xor ah ugu biiray Inter xagaagii hore isaga oo kaga soo biiray Ajax waxana uu isla markiiba wacdaro ka dhigay xilli ciyaareedkiisii ​​ugu horeeyay ee Serie A.
Chelsea ayaa dhinaca kale suuqa u gali doonta Goolhaye cusub iyada oo Tababare Mauricio Pochettino haatanba ogolaansho u siiyay Maamulka kooxda in ay u dhaqaaqaan Goolhayaha reer Cameroon.
Wararka ka imanaya Italy ayaa sheegaya in ay kooxda chelsea haatanba la xidhiidhay Onana ka hor furitaanka suuqa kala iibsiga xagaaga.
Laakiin wakiilka 27-jirka, Albert Botines, ayaa si cad u sheegay in xiddiga Cameroon xiisaynayn in uu ka tago Inter Milan.
“Xanta suuqa kala iibsiga waa wax iska caadi ah marxaladan, laakiin waxaan doorbidayaa inaan ka hadlin sababtoo ah waa xilli hore oo hadda wiilku wuxuu diiradda saarayaa garoonka oo kaliya,” Botines ayaa u sheegay TVPLAY_CMIT.
‘Waxaan Inter kula jirnaa qandaraas shan sano ah. Waxa uu qandaraaskiisa kula jiraa afar sano oo kale, waxaana uu haatan diiradda saarayaa kaliya final-ka champions Legue iyo Kulamada ugu dambeeya ee Horyaalka”.
“Weli waxa uu leeyahay qandaraas dheer, ha ka welwelin. Aad ayuu u faraxsan yahay, waxa uu u ciyaarayaa kooxda ugu xoogga badan Talyaaniga”

Related



Source link