Wakiilka xiddiga khadka dhexe ee kooxda Liverpool ee Georginio Wijnaldum ayaa shaki ku sii abuuray mustaqbalka xiddiga khadka dhexe ee kooxda Liverpool xilli si weyn loola xidhiidhinayo Barcelona.

Waxa jiray warar Georginio Wijnaldum la xidhiidhinayay kooxda Barcelona kadib markii uu dalbaday tababaraha cusub ee Ronald Koeman si uu ugu xoojiyo khadka dhexe ee kooxdiisa.

Barcelona ayaa doonaysa in ay ka faa’iidaysato heshiiska uu Georginio Wijnaldum kula jiro Liverpool oo dhici doona xagaaga dambe.

Wargayska Mundo Deportivo oo xidhiidh la sameeyay wakiilka xiddiga ayaa sheegay in uu diiday in uu ka hadlo wararka xiddiga la xidhiidhinaya Barcelona.

Dhanka kale Georginio Wijnaldum ayaan ilaa haatan heshiis cusub u saxiixin kooxda Liverpool xilli ayna kooxdu wax wadahadalo ah kula jirin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here