Sida laga soo xigtay talkSPORT, Gabriel Jesus ayaa laga yaabaa inuusan diyaar u noqon in uu u ciyaaro Arsenal ilaa dhamaadka bisha March ee sanadka 2023 kadib markii u maray qaliin jilibka ah.

Xiddiga  reer Brazil ayaa markii hore la filayay inuu garoomada ka maqnaado ilaa dhamaadka bisha February laakiin hadda waxa ay u muuqataa in uu garoomada ka maqnaan doono bil kale.

Warkan ayaa Mikel Arteta ku noqonaya mid xun marka la eego in Jesus uu garoomada ka maqnaan doono muddo 4 bil ah isla markaas ah mid aan la filayn.

Jesus ayaa garoomada ka maqnaa doona in ka badan intii la filayay kadib markii lagu sameeyay qaliin kadib dhaawacii ka soo gaadhay koobka adduunka.

Gunners ayaa ku soo laabanaysa ciyaarista premier league maalinta Isniinta iyaga oo la ciyaari doona kooxda West Ham waxana ay ciyaari doonaan la’aanta xiddigooda Jesus.

Gabriel Jesus ayaa muhiim ka ahaa kooxda Arsenal qaybtii hore ee ciyaarta isaga oo kooxda ka caawiyay in ay hogaamiso horyaalka premier League.

Dhaawaca soo gaadhay Gabriel Jesus ayaa Arsenal ku qasbaya in ay suuqa January u galaan weeraryahank cusub hadii ay doonayaan in ay ku guulaystaan horyaalka premier League.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here