Kooxda chelsea ayaa 5/1 kaga badisay kooxda Brentford kulan saaxiibtinimo oo ay labada xul isugu diyaarinayeen soo laabashada premier League.

Xiddiga Wesley Fofana ayaa markii ugu horaysay ku soo laabtay chelsea kadib markii uu muddo dhaawac halis ah uga maqnaa kooxda.

Laakiin xiddiga Wesley Fofana ayaa ciyaarta dhaawac kaga baxay iyada oo la arkay xiddiga oo jilibka is haya kadib markii uu dhaawacmay sida laga soo xigtay Simon Phillips.

Inta uu dhaawacu leegyahay lama garanayo laakiin uma muuqdo mid halis u ah sidii midkii ka soo gaadhay Ac Milan sida ay sheegayaan wararku.

Fofana ayaa dhawaan ku soo laabtay garoomada kadib markii uu muddo bilo ah ku maqnaa dhaawac jilibka ah oo ka soo gaadhay kulankii Ac Milan ee champions league.

Graham Potter ayaa rajaynaya in uuna dhaawaca soo gaadhay Fofana ahayn mid halis ah xiddiguna diyaar u noqdo soo laabashada premier League ee todobaadka dambe.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here