Taageerayaasha kooxda Man United ayaa rajaynaya in maalinta ugu dambaysa suuqa kala iibsiga in ay uga fiicnaato bilihii uu furnaa suuqa kala iibsiga kadib markii ay kooxda Ole Gunnar Solskjaer soo qaatay suuqa adag.

Man United ayaa kaliya ilaa haatan xaqiijisay hal saxiix kaas oo ah xiddiga Donny Van de Beek kaas oo ay 40 milyan ugala soo wareegtay kooxda Ajax.

Kooxda Man UnitedUnited ayaa xagaagan oo dhan ku raad joogtay xiddiga kooxda Borussia Dortmund ee Jadon Sancho kaas oo ay wakhtiga isaga lumisay.

Laakiin United ayaa u muuqata kuwo aan heli doonin saxiixa xiddiga reer England inkasta oo dhaq-dhaqaaq xoogan laga dareemayo United maanta oo ah maalinta ugu dambaysa suuqa xagaaga.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa saxiixyada la filayo in ay United dhamaystirto saacadaha soo socda.

Xiddigaha Imanay:

Edinson Cavani:

Man United ayaa si lama filaan ah ugu dhaqaaqday saxiixa xiddiga Edinson Cavani kaas oo ay ka saxiixanayso 2 sano oo heshiis ah kuna heli doonto saxiixa xorta ah.

United ayaa Axadii heshiis la gaadhay xiddiga waxana la aaminsanyahay in uu mar hore ku baasay tijaabada caafimaadka sidoo kale haatan dhamaystiray sawiradii lagu soo bandhigayay iyo wax walba lana sugayo in la shaaciyo heshiiska.

Alex Telles (18M).

Man United ayaa dhanka kale la filayaa in ay ku dhawaaqdo saxiixa xiddiga daafaca bidix ka ciyaara ee Alex Telles kaas oo ay kooxda Porto kala heshiisay saxiixisa.

Sidoo kale Alex Telles ayaa ku baasay tijaabada caafimaadka hadana waxa la sugo ayaa ah inta ay ku dhawaaqayso saxiixiisa kaas oo noqon kara saacadaha yar ee soo socda.

Xiddigaha Ka Tagi Kara Kooxda:

Chris Smalling

Phil Jones

Marcos Rojo

Sii Akhriso: Booliska Somaliland Oo Xidhay Rag Diinta Kiristaanka Ku Faaniyay Dalka.

Laacib.net

Source: laacibfm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here