WARBIXIN: 25ka Ciyaartoy Ee Ugu Safashada Badnaa Kubadda Cagta 20kii Sannadood Ee Ugu Dambeeyey & Ciyaartoy Aanad Xasuusnayn Oo 1aad Ku Jira

25ka ciyaartoy ee ugu safashada badnaa kubadda cagta 20kii sannadood ee ugu dambeeyey ayaa lasoo saaray, waxaana kaalinta koowaad galay goolhayihii hore ee kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Iker Casillas oo waxyar ka horreeya Cristiano Ronaldo oo kaalinta labaad ku jira.

Goolhaye Gianluigi Buffon oo isaga oo 43 jir ah saxeexay heshiis cusub oo uu garoomada kusii jiri doono illaa 44 jirkiisa, ayay dad badan filayeen inuu kaalinta koowaad kusoo bixi doono, maadaama uu ciyaartiisii ugu horreysay ee Serie A uu saftay sannadkii 1995kii, isaga oo markaas joogay Parma.

Laakiin kulamada joogtada ah ee sida xidhiidhka ah loo ciyaarayay muddadii 20ka sannadood ahayd, waxa uu kaga jiraa kaalinta afraad, isaga oo in ka badan 100 ciyaarood ka safasho hooseeya Iker Casillas.

Goolhayaha reer Spain ayaa isku-darka kulamadii uu u ciyaaray xulka qarankiisa, Real Madrid iyo FC Porto waxa uu ciyaaray 1039 ciyaarood 20kii sannadood ee ugu dambeeyey, waxaana ku xiga Cristiano Ronaldo oo 1003 ciyaarood saftay, halka ay saddexaad, afraad iyo shanaad soo galeen Xavi, Buffon iyo Petr Cech oo kala saftay siday u kala horreeyaan 950, 922 iyo 879 ciyaarood.

Halkan kaga bogo 25ka ciyaartoy ee ugu safashada badnaa 20kii sannadood ee ugu dambeeyey:

25. John Arne Riise – 796 ciyaarood

24. Cesc Fabregas – 800 ciyaarood

23. Joao Moutinho – 803 ciyaarood

21. Xabi Alonso – 805 ciyaarood

=. Samuel Eto’o – 805 ciyaarood

20. Sergei Ignashevich – 809 ciyaarood

19. John Terry – 802 ciyaarood

18. Gareth Barry – 822 ciyaarood

17. Fernando Torres -824 ciyaarood

16. Pepe Reina – 830 ciyaarood

15. Steven Gerrard – 832 ciyaarood

14. Dirk Kuyt – 840 ciyaarood

13. Andres Iniesta – 849 ciyaarood

12. Sergio Ramos – 858 ciyaarood

11. Lionel Messi – 860 ciyaarood

10. Wayne Rooney – 865 ciyaarood

9. Zlatan Ibrahimovic – 867 ciyaarood

7. Dani Alves – 869 ciyaarood

=. Timmy Simons – 869 ciyaarood

6. Frank Lampard – 874 ciyaarood

5. Petr Cech – 879 ciyaarood

4. Gianluigi Buffon – 922 ciyaarood

3. Xavi – 950 ciyaarood

2. Cristiano Ronaldo – 1003 ciyaarood

1. Iker Casillas – 1039 ciyaarood

App-ka cusub ee laacibfm.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Source: laacibfm

WARARKII