Xilli ay maalmo yar inaga xigaan suuqa kala iibsiga january kooxaha premier League ayaa dajinaya qorshohooda ay ku xoojinayaan kooxooda marka uu furmo suuqu.

Kooxaha ayaa kala doonaya xiddigo kala duwan iyada oo kooxaha qaar doonayaan in ay helaan xiddigo sameeya farqi kuna riixa ku guulaysiga horyaalka halka ay kooxaha qaar doonayaan xiddigo ka caawiya ku dhamaysiga 4-ta boos ee ugu saraysa premier league.

Hadaba warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa waxa ay kooxaha waaweyn ee premier Legaue uga baahanyihiin suuqa January.

ARSENAL:

Muhiimada Gunnersa ayaa ah in ay buuxiyaan booska Gabriel Jesus Kaas oo muddo 3 bil ah garoomada uga maqnaan doona dhaawac.

Waxay ka mid yihiin dhowr kooxood oo Ingiriis ah oo doonaya saxiixa xiddiga 18 jirka ah ee kooxda Real Valladolid Ivan Fresneda halka ay sidoo kale doonayaan saxiixa xiddiga Adrien Rabiot.

Booska Ay U Baahanyihiin in ay xoojiyaan: Garabka weerarka, Khadka dhexe iyo Weeraryahan.

CHELSEA

Blues ayaa la filayaa in ay mashquul ahaato suuqa January iyada oo haatanba dalab ka gudbisay xiddiga kooxda Monaco ee Benoit Badiashile, xiddiga khadka dhexe ee kooxdda Vasco da Gama Andrey Santos halka ay haatanba ku dhawyihiin saxiixa xiddiga David Fofana sidoo kale dhamaystireen saxiixa xiddiga RB Leipzig ee Christopher Nkunku.

Chelsea ayaa sidoo kale wadahadalo kula jirta kooxda Dortmund oo ay ka doonayaan xiddiga Youssoufa Moukoko halka sidoo kale lala xidhiidhinayo xiddigaha Joao Felix iyo Rafael Leao.

Booska Ay U Baahanyihiin in ay xoojiyaan: Daafaca dhexe, Garabka weerarka ee midig, khadka dhexe, Weerarka.

LIVERPOOL:

Muhiimadu waa inay Jude Bellingham kala soo wareegto Borussia Dortmund xagaaga, laakiin waxay u furan yihiin heshiisyo amaah ah oo xoojin kara hamiga Jurgen Klopp ee dib u soo celinta booska Champions League.

Xiddiga kooxda Juventus ee Weston McKennie ayaa ka mid ah xiddigaha la hadal hayo laakiin kooxda Juventus ayaa doonaysa in ay kooxda doonaysa saxiixa xiddiga qaab toos ah ula wareegto sidoo kale waxa lala xidhiidhinayaa kooxda Dortmund Youssoufa Moukoko.

Booska Ay U Baahanyihiin in ay xoojiyaan: Khadka dhexe, weeraryahan.

MAN CITY:

Waxay ka hadleen Jude Bellingham laakiin heshiis walba oo dhici kara ayaa noqon doona xagaaga maadama ayna kooxda Pep Guardiola haatan u baahnayn boos ay iska xoojiyaan.

Xilli ay kooxdu ka cabsi qabto in ay January ka tagaan xiddigaha Ilkay Gundogan & Bernardo Silva Guardiola ayaa isku dayi doona in uu helo xiddig da’yar ah oo khadka dhexe ah.

Booska Ay U Baahanyihiin in ay xoojiyaan: Khadka dhexe.

MAN UTD:

Red Devils ayaa haatanba wadahadalo kula jirta kooxda PSV oo ay ka doonayaan xiddiga Cody Gakpo, kaasoo ah bartilmaameedkooda koowaad, hadii ay maamulka kooxdu lacag kale siiyaan waxa ay sidoo kale United u dhaqaaqi kartaa xiddiga Benfica ee Goncalo Ramos.

Xiddiga chelsea ee Christian Pulisic ayaa sidoo kale bartilmaameed u ah United sidoo kale xiddiga daafaca uga ciyaara Lyon ee Malo Gusto.

Booska Ay U Baahanyihiin in ay xoojiyaan: Goolhaye, daafaca garabka Midig, Weerarka.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here