Waxa la galayaa kulamadii ugu dambeeyay ee wareega Group-yada koobka Adduunka iyada oo xulal badan iska xaadirin doonaan wareega xiga kuwo kalena si Rasmi ah uga hadhi doonaan tartanka.

Group-kan xulka Qatar ayaa haatanba la xaqiijiyay in ay ka hadhay tartanka koobka adduunka sidaas darteed iyada wax rajo ah ma lahan dhinaca gudbista wareega xiga.

Laakiin waxa ay tartanka ka reebi karaan xulka Netherlands inkasta oo ayna taasi macquul ahayn laakiin wali way dhici kartaa madama kubada wax walba ka dhici karaan.

Dhinaca kale xulalka Ecuador iyo Senegal ayaa ku tartamaya sidii ay ugu gudbi lahaayeen wareega xiga ee koobka adduunka.

Hadaba Maxa ka dhici kara Group-kan:

Netherlands:

Xulka Netherlands ayaa u baahan in ay kaliya guuldaro ka badbaado si ay u xaqiiqsato booskooda wareega 16-ka ee koobka adduunka.

Laakiin hadii uu xulka Qaranka Qatar uga badiyo 5/0 waxa ay si Rasmi ah uga hadhi karaan koobka adduunka waxana ay ku hadhi doonaan farqiga goolasha.

Ecuador:

Xulka Ecuador Ayaa haatan sida ay wax yihiin kaga jira Group-ka kaalinta 2-aad waxana ay u baahantahay ugu yaraan hal dhibic si ay u gudubto guul ay gaadhaan way caawin kartaaa.

Senegal:

Xulka Senegal oo ku jira kaalinta 3-aad isla markaas hal dhibic leh ayaa u baahan in ay garaacdo xulka Ecuador Hadii ay doonayaan in ay u gudbaan wareega xiga ee tartanka koobka adduunka.

Qatar:

Xulka Qatar ayaa iyagu haatanba ka hadhay koobka adduunka laakiin waxa ay u dagaalami doonaan sharaftooda si ayna u noqon xulkii ugu horeeyay ee marti galiyay koobka adduunka ee bilaa dhibic ka hadhay koobka adduunka.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here