Waxa maanta la ciyaari doonaa Kulamadii ugu dambeeyay ee Group-ka B Iyada oo xulalka ku jira doonayaan in ay u gudbaan wareega xiga ee koobka adduunka.
4 xul ee ku jira Group-ka B ayaa soo galaya kulamada maanta iyaga oo dhamaantood fursad u haysta in ay u gudbaan wareega xiga inkasta oo ay shaqadoodu kala adagtahay.
Hadaba muxuu xul walba u baahanyahay si uu ugu gudbo wareega xiga ee tartanka:
- England ayaa u baahan in ay badiso ama bar-baro gasho, iyada oo ku xisaabtami doonta farqiga goolasha, xulka Saddexda Libaax ayaa sidoo kale gudbi kara xitaa hadii laga badiyo kulankan.
- Walwes ayaa u baahan in ay badiso hadii ay doonayso in ay u gudubto wareega xiga ee tartanka.
- Iran ayaa u gudbi doonta wareega xiga ee koobka adduunka hadii ay ka badiyaan xulka USA.
- Sidoo kale bar-baro ayay ku gudbi karaan xulka Iran laakiin waa hadii uuna xulka Wales ka badin England markaas oo ay ku gudbi karaan farqiga goolasha.
- Xulka USA ayaa u baahan kaliya guul hadii ay doonayaan in ay gudbaan, bar-baro ama guuldaro waxa ay la macno tahay in ay ka hadhayaan tartanka.