Waxa sii socon doona kulamada kama dambaysta ah ee wareega Group-yada koobka adduunka iyada oo ay maanta soo dhici doonaan kulamo xiiso leh tartanka.

Waxa la ciyaari doona Group-ka C kaas oo ah Group aan ilaa haatan lagu kala bixin isla markaas koox walba fursad fiican haysato.

Hadaba muxuu xul walba u baahanyahay si uu ugu gudbo wareega xiga ee tartanka koobka adduunka:

  • Poland ayaa ku soo bixi doonta guul ama bar-baro, laakiin waxa lagu reebi doonaa Guuldaro ay weheliso guul uu gaadho xulka Saudi Arabia, Haddii Poland laga badiyo, Saudi Arabiana ay barbaro galaan, labada xul waa inay ku kala baxaan farqiga goolasha. Haddii Poland laga badiyo oo Mexico ay badiso, waxa sidoo kale lagu go’aamin doonaa farqiga goolasha.

 

  • Argentina waa inay badisaa si ay u gudubto, Bar-Baro ayaa sidoo kale kaga filnaan kara in ay ku gudbaan, si kasta ha ahaatee guul uu gaadho xulka Saudi Arabia ayaa Argentina ka saari kara tartanka hadii ay Mexico badiso waxana ay ku hadhi doonaan farqiga goolasha hadii laga badiyo Argentina.

 

  • Xulka Saudi Arabia ayaa soo bixi doonta wareegga 16-ka haddii ay badiso, sidoo kale bar-baro ayaa ku filan hadii uu xulka Poland ka badiyo Argentina , Laakiin hadii ay labada kulanba bar-baro ku dhamaadaan way hadhi doonaan, hadii ay Argentina ka badiso Poland isla markaas Saudi Arabia bar-baro galo farqiga goolasha ayaa go’aamin doona cida hadhaysa halka ay guuldaro ka reebayso tartanka.

 

  • Mexico waa in ay badisaa si ay fursad ugu hesho in ay sii ciyaarto tartanka, waxa ay gudbi doonaan hadii uu Xulka Poland badiyo, hadii ay badiyaan isla markaas xulka Argentina bar-baro galo waxa lagu go’aamin doonaa farqiga goolasha, hadii Xulka Argentina badiso farqiga goolasha ayaa lagu kala saari doonaa xulalka Mexico iyo Poland.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here