Kooxaha Arsenal iyo Manchester United ayaa isku diyaarinaya kulan muhiim ah oo ka tirsan horyaalka Premier League kaas oo dhici doona Axada.

Gunners ayaa haatan hogaanka u haysa horyalka premier League xilli ay Red Devils ku jirto qaab ciyaareed cajiib ah kadib koobkii adduunka.

Labada kooxood ee qaab ciyaareedka fiican ku jira ayaa hadda u muuqda kuwo ku dagaalami doona kulankoodii ugu weynaa muddo 15 sano ah.

Halka go’aamin karta kulankana waxa ka mid ah khadka dhexe ee ay ka ciyaaraan labada kabtan Martin Odegaard iyo Bruno Fernandes.

MARTIN ODEGAARD

Kabtanka Arsenal ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku jira xilli ciyaareedkan waxana uu kooxda u dhaliyay goolal badan oo uu ka mid yahay goolkii muhiimka ahaa ee uu ka dhaliyay kooxda Tottenham.

Guud ahaan xilli ciyaareedkan xiddiga Odegaard ayaa ciyaaray 17 kulan oo premier League ah waxana uu dhaliyay 8 gool halka uu caawiye ka noaqday 5 kale.

BRUNO FERNANDES

Dhinaca kale kabtanka Man United ee Bruno ayaa ku jira dhinaciisa qaab ciyaareed fiican isaga oo u muuqda mid qaab ciyaareedkisiii fiicnaa u helay.

Xiddiga oo ah kabtanka United marka uu Maguire maqanyahay ayaa tan ilaa kadib koobkii adduunka muhiim ka noqday kooxda Man United.

Xiddiga Bruno Fernandes ayaa ilaa haatan u ciyaaray Man United 18 kulan oo premier League ah waxana uu dhaliyay 4 gool halka uu caawiye ka noqday 3 kale.

Gaba-Gabo:

Labada xiddig ayaa isku diyaarinaya in ay guul ku hogaamiyaan kooxdooda kulanka iyada oo xiddig walba masuuliyad iska saari doona sidii ay u caawin lahaayeen kooxood.

Midka qaab ciyaareedka fiican soo bandhiga kulankan ayaana kooxdiisa ku hogaamin kara 3-da dhibcood ee muhiimka u ah tartaka premier League.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here