Indhaha oo dhami waxa ay eegi doonaan Lionel Messi maanta Axadda isaga oo baadi goob ugu jira koobka kaliya ee uuna ilaa haatan ku guulaysan xirfadiisa ciyaareed.

35 jirkaan ayaa xulkiisa Argentina hogaamin doona kulanka Final-ka ee ay caawa ka hor tagi doonaan France kaas oo ah kulankiisii ugu dambeeyay ee tartanka.

Messi ayaa sanadkii 2014 la kulmay niyad jab final-kii koobka adduunka markaas oo ay guuldaro kala kulmeen xulka Germany.

Xiddiga 7-da jeer ku guulaystay abaalmarinta Ballon d’Or-ka ayaa doonaya in uu ku guulaysto koobka waxana uu sidoo kale isha ku hayaa rikoodh kale oo badan kulanka caawa.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa rikoodhada uu Lionel Messi jabin karo kulanka caawa ee final-ka koobka adduunka.

Kulamada Ugu Badan ee uu ciyaaro:

Hadii ayna dhicin Dhaawac, xanuun ama arin kale oo ka hor istaagi karta final, Messi ayaa ugu yaraan hal rikoodh jabin doona isaga oo aan xitaa wax kubad ah laagin waxana uu noqon doonaa xiddiga kulamada ugu badan ciyaaray koobka adduunka isla markaas dhaafi doona Lothar Matthaus oo uu bar-bareeyay kulankii Semi-final-ka waxana uu ciyaari doonaa kulankiisii 26-aad ee koobka adduunka.

Daqiiqadaha ugu badan Ee Koobka adduunka:

Xilli Messi iyo Lothar Matthaus yihiin xiddigaha kulamada ugu badan ciyaaray koobka adduunka isla markaas ciyaareen 25 kulan hadana midkoodna ma haysto rikoodhka daqiiqadaha ugu badan ee koobka adduunka waxana rikoodhkaas haysta Paolo Maldini.

Xiddigii hore ee Ac Milan ayaa ciyaaray 2,216 daqiiqo koobka adduunka Messi ayaana ilaa haatan ciyaaray 2,194 daqiiqo waxana uu Messi rikoodhkaas bar-barayn doonaa daqiiqadii 23-aad ee ciyaarta Final-ka hadii uu ku bilowdo ciyaarta.

Ku Lug Lahaanshaha Goolasha Ugu Badna:

Labada rikoodh ee sare waxay muujinayaan cimri dhererka cajiibka ah ee Mess, halka rikoodhkan muujinayo waxtarkiisa joogtada ah ee weerarka iyada oo xiddiga No.10 xidha uu qarka u saaranyahay in uu noqdo xiddigii ugu horeeyay ee 20 gool si toos ah ugu leh koobka adduunka tan 1966 markii la bilaabay.

Goolkii 2-aad ee uu Messi caawiyay ee uu dhaliyay Alvarez ayaa ahaa goolkii 19-aad ee uu caawiyaha ka ahaa ama ku lug lahaa koobka adduunka isaga oo dhaliyay 11 gool 8 kalena caawiye ka noqday.

Kulamada Ugu Badan Ee Uu Goolal Ku Lug lahaa:

19-ka gool ee uu Messi ku lug leeyahay ayaa kala yimid 13 kulan oo kala duwan taas oo la macno ah in uu la midyahay halyayga Brazil Ronaldo Laakiin hadii uu maanta ku lug lahaado gool waxa uu noqon doonaa xiddiga ugu badan ee kulamo kala duwan ku lug leh goolal.

Caawinta ugu badan ee koobka adduunka:

Gool uu Messi caawiyay Alvarez kulankii Croatia ayaan ahayn kaliya gool 19-aad ee uu ku lug lahaa sidoo kale waxa uu ahaa caawintii 8-aad ee koobka adduunka waxana uu bar-bareeyay Halyeeyga Argentina ee Diego Maradona.

Hal caawin oo kale oo uu sameeyo kulanka maanta ayaa ka dhigaysa xiddiga taariikhda kubada cagta ugu caawinta badan isaga oo dhaafaya Halyeeyga ay isku dalka yihiin.

Sidoo kale Messi ayaa haatanba ah xiddigii ugu horeeyay ee 5 caawin sameeya 5 koob adduun oo kale duwan 2006, 2010, 2014, 2018 & 2022.

Guulaha Ugu Badan Kulamada Koobka Adduunka:

Rikoodhkan ayaa ah mid uu Messi bar-barayn doono laakiin uusan jabin doonin, Guushii uu Messi ka gaadhay Croatia Semi-final-kii koobka adduunka ayaa ahayd guushii 16-aad ee koobka adduunka waxana uu bar-barayn doonaa Halyeeyga reer Germany ee Miroslav Klose oo haatan leh 17 gool koobka adduunka.

Xiddigii Ugu Horeeyay Ee Ku Guulaysta Gooldhalinta Koobka Adduunka Marar Badan:

Inkasta oo Pele 3 koob adduun ku guulaystay sidoo kale Maradona 4 koob adduun ka soo muuqday hadana ma jiro xiddig wax hal mar ku guulaystay kabta dahabka ah ee gool dhalita koobka adduunka.

Messi ayaa abaalmarinta ku guulaystay sanadkii 2014 laakiin Messi ayaa mar kale u tartamaya abaalmarinta isaga oo dhaliyay 5 gool lana tartamaya xiddiga ay isku kooxda yihiin ee Mbappe.

Hadii uu ku guulaysto waxa uu noqon doonaa xiddigii ugu horeeyay ee abid taariikhda koobka adduunka ku guulaysta abaalmarinta kabta dahabka ah 2 koob adduun oo kala duwan.

Dhalinta wareeg kasta oo koobka adduunka ah:

Jairzinho ayaa xiddiga kaliya ee dhaliyay kulan kasta oo koobka adduunka ah waxana uu rikoodhkaas dhigay sanadkii 1970 walina ma jirto cid u dhawaatay ama ku riyootay rikoodhkaas.

Laakiin Leo Messi ayaa noqon dona xiddigii ugu horeeyay ee rikoodhkaas jabiya tan ilaa markii wareega 16-ka lagu daray koobka adduunka.

Xiddiga 35 jirka ah ayaa gool dhaliyay dhamaan ilaa haatan kulamadii uu ciyaaray koobka adduunka.

Ku Guulaysiga Abaalmarinta Xiddiga ugu Fiican Kulanka Tartan kaliya:

Messi ayaa ilaa haatan ku guulaystay xiddiga ugu fiican 4 ka mid ah 6 kulan oo uu ciyaarya koobka adduunka waxana uu haatanba bar-bareeyay rikoodhkii uu dhigay Wesley Sneijder ee abaalmarinaha ugu badan ee xiddiga ciyaarta tartan kaliya.

Messi hadii uu ku guulaysto kulanka caawa xiddiga ugu fiican kulanka waxa uu noqon doona xiddiga tirada ugu badan ku guulaysta abaalmarinta tartan kaliya.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here