Kooxda Liverpool ayaa taageerayaasheeda kaga yaabsatay saxiixa Cody Gakpo ka hor furitaanka suuqa kala iibsiga January.

Laakiin taageerayaasha Liverpool ayaa wali doonaya in ay kooxdoodu la soo saxiixato xiddig khadka dhexe ah iyada oo lala xidhiidhinayo xiddiga koxda Benfica ee Enzo Fernandez.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Argentine ayaa lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Liverpool bisha January laakiin Reds ayaa u baahan in ay bixiso lacagta 120 milyan ee lagu bur-burinayo heshiiskiisa.

Si kasta ha ahaatee sida ay Arimuhu yihiin Enzo Fernandes ayay u badantahay in uuna Liverpool ku biiri doonin suuqa kala iibsiga January hadii ayna Liverpool bixin lacagta lagu bur-burinayo heshiiskiisa.

Hadab warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa saabaha ayna Liverpool ula wareegi doonin Enzo Fernandes inta lagu jiro suuqa January.

Fernadez wuxuu u baahan yahay inuu soo gudbiyo codsiga Bixitaanka:

Sida ay sheegayaan wararka, ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa u baahan in uu gudbiyo warqada bixitaanka ka hor inta aan la bixin lacagta lagu bur-burin karo heshiiska laakiin arintaas ayay u badantahay in ayna dhacayn.

Benfica ayaa u baahan in ay ogolaato bixitaanka Enzo Fernandes:

Iyaga oo caawin ka helay Fernandez, Benfica ayaan ilaa haatan wax guuldaro ah kala kulmin horyaalkooda waxana ay sidoo kale gaadheen wareega 16-ka ee champions League.

Iibinta xiddiga 21 jirka ah ka hor dhamaadka xilli ciyaareedka waxa ay joojinaysaa ama khal-khalinaysaa xilli ciyaareedkooda waxana ay Benfica haatanba ka codsatay xiddiga in uu joogo kooxda ilaa xagaaga.

Kooxo Badan oo doonaya Xiddiga:

Liverpool ayaan ahayn kaliya kooxda doonaysa saxiixa xiddiga Benfica lakiin Kooxaha Real Madrid, Chelsea iyo Man United ayaa dhamaantood doonaya saxiixiisa.

Kooxaha kor u xusan ayaa haatanba wadahadalo la qaatay xiddiga xilli ay jiraan warar sheegaya in ay Blues dalab Rasmi ah ka gudbinayso saacadaha soo soscda.

Liverpool way ka maarantaa Fernandes:

Kooxda Liverpool ayaan u baahnayn in ay 120 milyan ka bixiso xiddiga maadama ay haatan dhamaan taam buuxa u noqdeen xiddigaha khadka dhexe uga ciyaara sidaas darteed kuma qasbana in ay lacagtaas ka bixiso saxiixa xiddiga.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here