Kooxda Man United ayaa bar-baro niyad jab leh la gashay kooxda Crystal Palace kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.

Goolal ay dhaliyeen Bruno Fernandez iyo Michael Olise ayaa keentay in ay labada kooxood qaybsadaan dhibcaha kulankii premier League.

Hadaba warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa sababihii keentay in ay Man United ku fashilanto in ay guul ka gaadho Crystal Palace.

1.Weerarka Oo Kaliya Shaqeeyay Qaybtii hore:

Xiddigaha Man United weerarka uga ciyaara ayaa kaliya si fiican u ciyaaray qaybtii hore ee ciyaarta waxana ka muuqday qaybtii dambe daal aad ah oo uu keenay kulamadii badnaa ee ay ilaa haatan ciyaartay kooxdu.

Qaybtii dambe xiddigaha Man United weerarka uga ciyaara ayaan qaybtii dambe wax halis ah ku samayn goolka Crystal palace waxana ay khasaariyeen fursado yar oo ay heleen.

2.Dookh La’aanta Tababaraha:

Erik Ten Hag ayaan haysan koox uu ku badali karo ciyaarta marka ay kooxdiisa ku adkaato maadama ayna kaydka u fadhiyin xiddigo saamayn ku yeelan kara kulamada.

Maadmaa uu Martial dhaawac uga maqnaa Man United Erik Ten Hag ayaan haysan xiddigao weerarka ka ciyaara oo saamayn ku yeelan kara kulanka waxana uu soo galiyay xiddigo da’yar ah oo aan khibrad weyn u lahayn go’aaminta kulamada.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here