Kooxda Liverpool ayaa garaacday Wolves kulan ka tirsanaa ku celiska wareega 3-aad ee FA Cup-ka.

Gool uu dhaliyay xiddiga Harvy Elliott ayaa Liverpool ku hogaamiyay wareega 4-aad ee tartanka FA Cup-ka.

Hadaba waxa aan warbixintan ku soo bandhigi doonaa sababaha Liverpool ku hogaamiyay guusha Liverpool kulankii Wolves, Miyay soo laabatay Liverpool.

1.Cadaadiskii khadka dhexe Oo Soo Laabtay:

Tan ilaa bilowgii xilli ciyaareedkan waxa si weyn loo tabay cadaadiskii khadka dhexe ee Liverpool waxana ay u muuqatay in uu Klopp dib u soo celiyay cadaadiska khadka dhexe ee kooxdiisa.

Intii uu Klopp joogay Liverpool xiddigaha khadka dhexe ee Liverpool ayaa ku fiicnaa cadaadiska waalida ah iyaga oo aan kooxaha ka soo hor jeeda siin wax fursado ah.

Waxa ugu weyn ee muuqday ayaa ahayd in cadaadiska Liveprool ee khadka dhexe ahaa midkii aan ku baranay Liverpool sanadihii klopp joogay kooxda.

2.Daafaca oo noqday kuwo adag:

Inkasta oo ay ka maqan yihiin Van Dijk iyo Matip, hadana Daafaca Liverpool ayaa ahaa kuwo adag iyada oo xiddigaha Gomez iyo Konate ahaayeen kuwo bir ah isla markaas aan xiddigaha Wolves ee weerarka u ogolaan in ay fursad ku helaan goolka hortiisa.

Sidoo kale Liverpool ayaa koox ahaan u difaacanaysay iyada oo xiddigaha garabaha weerarka ka ciyaarayay ay si buuxda u soo laabanayeen isla markaas caawinayay xiddigaha daafaca Liverpool.

3.Joojinta maamulista ciyaarta:

marka laga yimaada sanadkii ugu horeeyay ee ee uu Klopp hogaaminayay Liverpool, 6-dii sano ee ka dambeeyay Kooxda Liverpool ayaa ku fiicnayd maamulista ciyaarta iyaga oo haystay inta badan kubada.

Liverpool ayaa sidaas darteed adeegsanaysay weeraro rogaal celis ah kulankii Wolves waxana ay Wolves u dhaaftay maamulista ciyaarta iyada oo Wolves 60% maamulaysay ciyaarta.

Sidaas darteed arintaas ayaa si weyn uga caawisay Liverpool in ay garaacdo Wolves kulanka waxana uu Klopp soo celinayaa in ay kooxdiisu ciyaarto weeraro rogaal celis ah.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here