Milkiilaha kooxda chelsea ee Todd Boehly ayaa u muuqda mid doonaya in uu fariin u diro milkiilayaasha kale ee horyaalka premier League.

Tan ilaa markii uu la wareegay kooxda chelsea waxa uu wacdaro ka dhigay suuqa kala iibsiga isaga oo kooxda keenaya xiddig kasta oo suuqa yaala.

Tan ilaa markii uu noqday milkiilaha cusub ee kooxda chelsea Todd Boehly ayaa kooxda keenay 12 xiddig isaga oo lacag waali ah galiyay suuqa kala iibsiga.

Sidoo kale chelsea ayaan waxba u arkin lacagaha ay galinayaan suuqa iyaga oo miiska saaraya lacago aanay kooxaha ay xiddigaha ka doonayaan diidi karin.

Xiddigaha Mudryk iyo Nkunku ayaa ah laba xiddig oo u soo socda kooxda chelsea iyada oo la filayo in saacadaha soo socda lagu dhawaaqo saxiixa Mudryk.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Liiska xiddigaha iyo lacagta ay chelsea ilaa haatan suuqa galisay:

Fofana: £71m
Cucurella: £58m
Sterling: £50m
Kouliably: £34m
Badiashile: £34m
Chukwuemeka: £16m
Auba: £11m
Fofana: £11m
Santos: £11m
João Felix: £10m
Slonina: £8m
Zakaria: £3m
🔜 Mudryk: £88m
🔜 Nkunku: £63m



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here