Waxa si Rasmi ah u furmay suuqa January iyada oo durba suuqu marayo meel xiiso leh inkasta oo uu haatan furmay.

Kooxaha kala duwan ayaa isku diyaarinaya in ay sameeyaan saxiixyo ay doonayaan in ay ku xojiyaan qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.

Sidoo kale waxa jira xiddigo doonaya in ay ka tagaan kooxohooda haatan kuna biiraan kooxo ay si joogto ah ugu ciyaari karaan qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.

Hadaba kooxda.com ayaa sidii caadada ahayd halkan idiinku soo gudbin doonta saxiix kasta oo dhaca oo ay sameeyaan kooxaha waaweyn ee yurub.

Halkan si joogto ah ugala soco saxiix kasta oo dhaca inta uu furanyahay suuqa Janauary:

Leandro Trossard -> Arsenal:

Kooxda Arsenal ayaa dhamaystirtay saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Brighton ee Leandro Trossard.

Xiddiga ayaa wakhti hore heshiiska shaqsiga ah la gaadhay waxana uu qalinka ku duugayaa heshiis wakhti fog ah.

Xiddiga 28 jirka ah ayaa haatan u duulaya magaalada London si uu u dhamaystiro heshiiska uu ugu biirayo kooxda Arsenal.

Mykhailo Mudryk -> Chelsea

Kooxda chelsea ayaa si Rasmi ah ugu guulaystay saxiixa xiddiga garabka ka ciyaara ee Mykhailo Mudryk kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Shakhtar.

Xiddiga Mykhaylo Mudryk ayaa tijaabada caafimaadka u mari doona kooxda chelsea maalinta Axada ee bari ah ka hor inta aan lagu dhawaaqin saxiixa xiddiga.

Xiddiga Mykhaylo Mudryk ayaa qalinka ku duugaya heshiis 7 sano ah oo uu Blues ku joogayo ilaa sanadka 2030.

Wout Weghorst -> Man United:

Kooxda Man United ayaa dhamaystirtay saxiixa xiddiga weerarka ka ciyaara ee Wout Weghorst kaas oo ay kula soo wareegtay qaab amaah ah inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Xiddiga Wout Weghorst ayaa Noqday saxiixii 2-aad ee ay Man United samayso suuqa kala iibsiga January ee bishan.

United ayaa sidoo kale xiddigii 2-aad kula soo wareegtay qaab amaah ah kadib markii ay ka bixisay lacag dhan 3 milyan oo euro.

Xiddiga reer Netherlands ayaa maanta tijaabada caafimaadka u mari doona kooxda Man United si uu qalinka ugu duugo heshiiska uu ugu biirayo Red Devils.

Joao Felix -> Chelsea:

Kooxda chelsea ayaa dhamaystirtay saxiixa xiddiga Joao Felix kadib markii ay kooxda Atletico Madrid kala heshiisay qiimaha xiddiga.

Chelsea ayaa xiddiga Joao Felix kula wareegaysa heshiis 6 bilood ah oo amaah ah inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Fabrizio Romano ayaa xaqiijiyay in uu xiddiga Felix qalinka ku duugay heshiis cusub ka hor inta uuna ku biirin kooxda chelsea.

Jack Butland -> Man United:

Kooxda Man United ayaa xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa Goolhaye Jack Butland kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Crystal Palace.

Man United ayaa Jack Butland kula soo wareegtay heshiis amaah ah ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan haatan socda.

Goolhayaha 29 jirka ah ayaa badalay Martin Dúbravka kaas oo ka tagay kooxda kadib markii uu 6 bilood ku qaatay kooxda Man United.

Daley a -> Bayern Munich.

Kooxda Bayern Munich ayaa xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga daafaca ka ciyaara ee Daley Blind.

Daley Blind Ayaa ka tagay kooxda Ajax kadib markii la kansalay heshiiskii uu kula jiray kooxda maalmo yar ka hor.

Bayern Munich ayaa Daley Blind ka saxiixatay heshiis ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan ah isaga oo qaa xor ah ugu biiray.

Kooxda Bayern Munich ayaa u dhaqaaqday saxiixa Daley Blind kadib markii la xaqiijiyay in uu dhaawac xilli ciyaareedka ah soo gaadhay xiddiga Lucas Hernandez.

Benoît Badiashile -> Chelsea:

Kooxda chelsea ayaa si Rasmi ah u shaacisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga daafaca ka ciyaara ee Benoît Badiashile kaas oo ay kala soo wareegeen Monaco.

Benoît Badiashile ayaa noqday saxiixii 2-aad ee ay shaaciso kooxda chelsea tan ilaa markii uu furmay suuqa kala iibsiga January.

Chelsea ayaa shaacisay in uu xiddiga Benoît Badiashile qalinka ku duugay heshiis 7 sano iyo ah oo uu kooxda ku joogi doono.

Cristiano Ronaldo -> Al-Nassr

Cristiano Ronaldo ayaa heshiis u saxiixay kooxda ka dhisan Saudi Arabia ee Al Nassr, sida ay ilo ku dhow kooxda u sheegeen CBS Sports.

Talaabadan ayaa soo afjaraysa xirfadiisa heerka sare ee uu ka soo ciyaaray Qaarada yurub kadib markii uu Ronaldo qalinka ku duugay heshiiska uu ugu biirayo kooxda ka dhisan magaalada Riyadh.

Ilo-wareedyo xog-ogaal u ah wada-xaajoodyada ayaa sheegaya in Ronaldo uu hore u dhammaystiray qaybaha caafimaad ee lagama maarmaanka u ah inuu saxiixo qandaraaskiisa halka tijaabada labaadna la filayo in la sameeyo toddobaadka soo socda.

Coday Gakpo -> Liverpool:

Kooxda Liverpool ayaa Dhamaystirtay saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda PSG ee Cody Gakpo sida uu xaqiijiyay Fabrizio Romano.

Liverpool aya saacado gudohood ku dhamaystirtay saxiia xiddiga Gakpo kaas oo ay ka dhigayso saxiixeedii ugu horeeyay ee suuqa January.

Gakpo ayaa qalinka ku duugaya heshiis wakhti fog ah waxana uu maalmaha soo socda u duuli doonaa England si uu u dhamaystiro heshiiska.

David Datro Fofana -> Chelsea:

Kooxda chelsea ayaa dhamaystirtay saxiixa xiddiga David Datro Fofana kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Molde sida uu xaqiijiyay saxafiga Fabrizio Romano.

Fofana ayaa noqday saxiixii ugu horeeyay ee ay kooxda chelsea si Rasmi ah u dhamaystirtay ka hor furitaanka suuqa kala iibsiga January.

Xiddiga da’yarka ah ayaa ku baasay tijaabada caafimaadka kooxda chelsea waxana uu haatan qalinka ku duugayaa heshiiska uu ugu biirayo Blues.

Endrick -> Real Madrid:

Kooxda Real Madrid ayaa noqotay kooxdii ugu horaysay ee samaysa saxiix cusub ka hor furitaanka suuqa January ee ay labada todobaad inaga xigaan.

Real Madrid ayaa ku dhawaaqday saxiixa xiddiga weerarka ka ciyaara ee Endrick kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Palmeiras.

Real Madrid ayaa xiddiga Endrick ka saxiixatay heshiis wakhti fog ah oo 8 sano ah isla markaas kooxda joogi doona ilaa xagaaga 2030.

Christopher Nkunku -> Chelsea

Kooxda chelsea ayaan wakhti iska lumin waxana ay samaysay saxiixeedii ugu horeeyay ka hor furitaanka suuqa kala iibsiga Bisha January.

Chelsea ayaa dhamaystirtay saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda RB Leipzig ee Christopher Nkunku kaas oo ay ka dhigtay saxiixeedii ugu horeeyay.

Xiddiga reer France ayaa noqon doona xiddig Chelsea ah marka la gaadho bisha July ee sanadka 2023 kadib markii wax walba la dhamaystiray.

Xiddiga Christopher Nkunku ayaa inta ka dhiman xilli ciyaareedkan sii joogi doona kooxdiisa haatan maadama heshiiska lagu daray in amaah loogu diro kooxdiisa haatan.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here