Arsenal ayaa hogaaminaysa horyaalka premier League xilli ciyaareedkan waxana ay xaday qalbiga taageerayaasha premier League hadii ay Arsenal taageeraan ama hadii ay kooxaha kale taageeraan.

Gunners ayaa indhaha taageerayaasha ku xaday qaab ciyaareedka cajiib ah ee ay soo bandhigeen ilaa haatan xilli ciyaareedka horyaalka premier League.

Hadaba maanta warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa arin aanad horay u maqlin ama laga yaabo in aanad xitaa ka fikirn.

Arintaas ayaa ah macnaha ka dambeeya Calaamada Arsenal ee uu ku sawiran yahay qoriga iyo waliba sababta loogu Naanayso (The Gunners).

Hadii aynu ku horayno calaamada Arsenal, sida caanka ah Arsenal ayaa leh calaamad ka kooban gaashaan uu dusha kaga qoran yahay Magaca Arsenal sidoo kale halka hoose kaga sawiran yahay qori u jeeda dhianca Midig.

Hadaba sababta gaashaanka iyo qoriga looga dhigay calaamada Arsenal ayaa lagu xusayaa taariikhda Tuulada Woolwich oo ah Tuuladii ugu horaysya ee lagu aas-aaasay kooxda iyo Taariikhda Tuuladaas ee dhinaca Militariga.

Hadaba Maxaa looga jeedaa Magaca “Gunners” ee lagu naanayso kooxda?

“Gunners” ayaa sida iska cad muujinaysa qoriga ku sawiran calaamada kooxda waxana ay sidoo kale macno ku leedahay taariikhda kooxda Arsenal.

Kooxda Arsenal ayaa la aas-aasay 25 bishii December ee sanadkii 1886 waxana aas-aasay shaqaalaha Warshada hubka soo saarta ee “Arsenal Factory” oo ku taala magaalada Woolwich waana Warshada soo saarta nooc walba oo Xabadaha loo isticmaalo hubka kala duwan iyo waliba Hubka laftooda.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here