Wakhtigii Lionel Messi ee Barcelona ayaa u muuqda mid soo dhamaanaya waxana jirta 3 koox oo uu midkood kaga biiri doono Yurub.

Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa lagu soo waramayaa in uu maamulka Kooxdiisa ku war galiyay in uu doonayo in uu isaga tago kooxda inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Wargayska TyCSport ayaa haatan sheegaysa in uu Lionel Messi maamulka kooxdisa u sheegay in uu doonayo in uu isaga tago kooxda inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Kooxda Barcelona ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in uu kabtankeeda ahna xiddigooda ugu fiican ee Lionel Messi warqada bixitaanka u gudbiyay maamulka sare ee kooxda.

Hadaba kadib markii uu xiddiga reer Argentine dalbaday in uu isaga tago kooxda waxa jira 3 kooxood oo si weyn loola xidhiidhinayo awood ahaana dhaqaale u haya in ay la saxiixdaan.

Inter:

Kooxda reer Italy ayaa bilihii la soo dhaafay lala xidhiidhinayay xiddiga No.10 Wargayska Gazzetta dello Sport ayaana sheegtay in ay kooxdu diyaar ula tahay lacag dhan 260 milyan oo euro.

Inter Milan ayaa doonaysa in ay u jawaabto Juventus oo xagaagii 2018 la soo saxiixatay xiddiga Cristiano Ronaldo kaas oo ay xafiiltamaan Lionel Messi.

Manchester City:

Man City ayaa guulo ku raaxaystay tan ilaa markii uu Guardiola tababaraha u noqday Waana tababare la soo shaqeeyay Messi markii uu ku jiray bilowga xirfadiisa kubada cagta.

Kooxda reer England ayaa leh awood dhaqaale oo ay kula soo saxiixan karto xiddiga reer Argentine sidoo kale waxa ay si weyn ugu baahantahay Messi si ay ugu guulaystaan champions League.

Paris Saint-Germain:

PSG ayaa ah kooxda kale ee la saxiixan karta Lionel Messi.

Kooxda gaadhay Final-ka champions League kuna fashilantay in ay ku guulaysato koobka inkasta oo ay haatanba haysta Neymar iyo Mbappe laakiin Joogista Messi ayaa kor u qaadi karta awoodooda.

Kooxda PSG ayaa ah kooxda kaliya ee xiddig weyn kala wareegta Barcelona sanadihii ugu dambeeyay markii ay ka afduubatay Neymar waxana ay mar kale u dhaqaaqi karaan Messi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here