Xilli ay dadka qaar su’aal ka keenayaan u dhaqaaqista Man United ee saxiixa xiddiga chelsea ee Mason Mount, waxa jirta xiddigo badan oo maray wadadaas oo u kala wareegay labada kooxood.
Red Devils ayaa la xaqiijiyay in ay xiddiga reer England u calaamadsatay bartilmaameedkooda 1-aad ee suuqa kala iibsiga xagaaga.
Erik Ten Hag ayaa isku dayaya in uu saxiixa xiddiga ku garaaco kooxaha Arsenal iyo Liverpool kuwaas oo si xoogan loola xidhiidhinayo saxiixa xiddiga.
Laakiin Mount ayaa ugu cad-cad in uu ku biiro United sabab la xidhiidha xidhiidhka fiican ee ka dhexeeya labada kooxood ee chelsea iyo Man United maadama ay horay xiddigo ula kala wareegeen.
Hadaba halkan kaga bogo xiddigaha Mount ka hor ka tagay chelsea una dhaqaaqay kooxda Old Trafford.
Juan Mata:
Mata ayaa kooxda chelsea isaga tagay kuna biiray kooxda Man United waxana uu u dhaliyay kooxda 51 gool halka uu caawiye ka noqday 47 kale  isaga oo kula guulaystay FA Cup-ka iyo Europa League.
Nemanja Matic:
Xiddiga reer Serbia ayaa ahaa xiddigii ugu dambeeyay ee isaga taga chelsea kuna biira kooxda Man United isaga oo Red Devils u dhaqaaqay kadib markii uu ka tagay chelsea waxana uu xiddigu u ciyaaray kulamo badan oo muhiim ah laakiin wax koob ah kulama guulaysan.
Ray Wilkins
Mark Hughes
Juan Sebastian Veron
Radamel Falcao
Mal Donaghy
Mark Bosnich

Related



Source link