Wargeys Jarmalka Laga Leeyahay Oo Kashifay In Man United Ay Xiddig Bundesliga Ka Ciyaara Amaah Ku Dalbatay Bishii January & Jawaabtii Ay Heshay.

Advertisements

Sida laga soo xigtay wargeyska Jarmalka laga leeyahay ee Kicker, Red Devils ayaa bishii laga soo gudbay isku dayday saxiixa xiddig u dhashay Faransiiska, balse kooxda Bavaria ayaa iska diiday.

Xiddigaan waxaa lagu qiimeeyay 40 Malyan oo Yuuro sida lagu qoray transfermarkt, xiddiga ku guuleystay koobka Adduunka ayaan wax badan joogto ugu ciyaarin kooxdiisa, saddex gool ayuu dhaliyay 19-kulan uu dhamaan tartamada oo dhan saftay.

Sida muuqata Tolisso wuxuu si cad ugu wareeray habka Bayern Munich, tan iyo markii uu Lyon kaga soo biiray 2017 wuxuu saftay 63 kulan oo qura dhamaan tartamada oo dhan, 14-gool ayuu dhaliyay 10 kalana wuu caawiyay.

Advertisements

Bayern waxey heysataa tiro badan oo ciyaartoy khadka dhexe ka ciyaarta, waxaana la ogaaday in Red Devils ay damacday iney baahideeda khadka dhexe ku daboosho inta ka dhiman fasalkaan kadib markii ay ka dhaawacmeen McTominay iyo Pogba.

25-jirkaan heerka caalami lama yaabin iney xiiso u muujiso Man United, balse ugu dambeyntii waxey lasoo saxiixdeen Bruno Fernandes.

Comments are closed.

Source: laacibfm

WARARKII