Wargeyska MARCA Oo Sharraxay Siyaasadda Cusub Ee Real Madrid, SHAN Laacib Oo Muhiim Ah Oo Paul Pogba Ka Qaalisan Yahay Iyo Qorshaha Kylian Mbappe Ku Imanayo Santiago Bernabeu

Advertisements

Sannadihii ugu dambeeyey, Real Madrid waxay beddeshay siyaasaddeedii ahayd inay lasoo saxeexato ciyaaryahannada dunida ugu qaalisan ee ugu magaca weyn, waxaanay uga leexatay da’yar aanay dad badan aqoonin iyo laacibiin laga soo dallacsiiyo kulliyadda da’yarta.

Wargeyska Marca ee kasoo baxa waddanka Spain ayaa waxa uu lafo-gur ku sameeyey siyaasadda Los Blancos iyo isbeddelka shaqeeyey ee uu sameeyey madaxweyne Florentino Perez, taas oo uu xuddun iyo tiir-dhexaad u yahay Juni Calafat oo Real Madrid u qaabilsan ciyaaraha caalamiga ah.

Warbixinta Marca ayaa waxa lagu sheegay in Real Madrid ay ka baaqsatay inay qaadato go’aan la mid ah kii ay Manchester United 114 milyan oo Euro ugu iibsatay Paul Pogba ama midkii ay PSG 222 milyan ee Euro kaga bixisay Neymar, taaas beddelkeedana ay Los Blancos u leexatay inay saxeexato ciyaaryahanno ka jaban oo waxqabad fiican leh.

Wargeysku waxa uu sheegay in Real Madrid ay lix milyan oo kali ah kusoo iibsatay Casemiro, sidoo kalena ay saddex milyan kusoo qaadatay Fede Valverde, Isco oo 25 milyan ah, Luka Modric oo 42 milyan ku jooga iyo Toni Kroos oo 25 milyan ugaga soo wareegay Bayern Munich.

Shantan ciyaartoy, waxa dhamaantood ka qaalisan Paul Pogba oo Manchester United ku riday madax-xanuun dhaawacyo, bandhig liita iyo hadal-haynta mustaqbalkiisa ku saabsan.

Sidoo kale, waxa uu wargeysku hoosta ka xarriiqay, in Los Blancos ay lacag badan kaga soo qaadatay Chelsea xiddiga Eden Hazard oo isaga ay u rumowday riyadiisii, laakiin kooxda aanay weli waxba ka haynin.

Waxa tusaale uu usoo qaatay tartanka Spanish Super Cup ee lagu qabtay magaalada Jeddah oo Real Madrid ay kusoo guuleysatay iyadoo ay ka maqan yihiin Hazard, Benzema iyo Gareth Bale, kaas oo ay ciyaaryahanno aan lacag badan ku joogin ay koobka usoo qaadeen.

Halkii ay suuqa uga geli lahayd ciyaaryahanno magac weyn, waxa uu Wargeysku tilmaamay in Florentino Perez oo kaashanaya Juni Calafat uu beddelay siyaasaddiisii ku saabsanayd suuqa oo uu u leexday ciyaaryahanno da’yar oo inkasta oo ay khamaar oo kale yihiin haddii laga doonayo inay mustaqbalka xiddigo waaweyn noqdaan, haddana la keenay Bernabeu, kuwaas oo ay ka mid yihin Rodrygo Goes, Vinicius Junior, Mariano Diaz iyo Luka Jovic.

Warbixintan waxa kale oo uu wargeysku ku xusay ciyaaryahannada Sergio Reguilon, Martin Odegaard iyo Takefusa Kubo oo ah xiddigo da’yar oo is muujiyey oo amaah kaga maqan, kuna soo laaban doona Madrid iyagoo khibrad iyo tayo badan soo yeeshay, waxa se aan warbixinta lagu soo qaadin Achraf Hakimi oo Borussia Dortmund ugu maqan amaah, laguna tilmaamo mid ka mid ah xiddigaha baasha midig ee difaaca ee waqtigan ugu fiican dunida.

Advertisements

Wargeysku waxa kale oo uu soo qaaday Reinier Jesus oo Real Madrid ay heshiiskiisa ku dhawaaqi doonto January 19, ayna kala heshiisay Flamengo oo ay da’diisu tahay 18 jir.

Qodobka ugu dambeeya, waxa uu Wargeyska Marca sheegay in Florentino Perez ay ka go’aantahay inuu hal saxeex oo weyn sameeyo kaas oo ah inuu keeno Santiago Bernabeu weeraryahanka da’da yar ee Kylian Mbappe oo uu ula diyaar yahay inuu wax kasta oo uu ku heli karayo, si uu u noqdo hoggaamiyaha kooxda da’yarta u badan ee mustaqbalka uu u diyaarinayo inay sharafta kooxda u dagaallamaan.

Source: laacibfm

WARARKII