Wargeyska The Sun Oo Faah-Faahin Ka Bixiyay Heshiiska uu Saxiixayo Bruno Fernandes, Mushaarka & Goorta La Dhameyn Karo.

Advertisements

Man United ayaa qarka u saaran iney 60 Malyan oo Pound ku qaadato xiddiga khadka dhexe kaga ciyaara Sporting Lisbon ee Bruno Fernandes, waxaana la rajeynayaa iney soo afjaraan dhamaadka isbuucaan sida lagu qoray The Sun.

Kabtanka Sporting Lisbon waxaa la rajeynayaa inuu saxiixo heshiis shan sano ah, wuxuuna mushaar ahaan u qaadan doonaa isbuucii 100,000 kun oo Pound.

Saraakiil labada kooxood kala matalaya ayaa ku kulmay magaalada London si ay heshiiska xiddigaan u dhameeyaan, waxaana la fahamsan yahay in saraakiisha Sporting ay dib ugu duuleen Portugal si ay sheekada u dhameeyaan.

Bruno Fernandes oo dhawaan heshiis cusub u saxiixay kooxda ayaa laga daremay inuu qudhiisa aad u xiiseynayo inuu isaga tago kooxda, waxaana aad ugu baahan Red Devils oo ay dhibaato weyn oo khadka dhexe ah heysato.

15-gool ayuu dhaliyay 13 kalana wuu caawiyay 25-kulan uu fasalkaan u saftay kooxdiisa, wuxuuna u muuqdaa mid soo bandhigay sida uu ugu haboon yahay koox weyn.

Advertisements

Fasalkii lasoo dhaafay wuxuu dhaliyay 32-gool, 18-goolna wuu caawiay 53-kulan uu dhamaan tartamada oo dhan u saftay Sporting Lisbon.

Manchester United waxey u baahan tahay iney Marcos Rojo heshiiska ka qeyb galiso, sidoo kalana ay qeyb ka bixiso mushaarkiisa isbuuclaha ah.

[embedded content]

Source: laacibfm

WARARKII