Wakiilka Ahna Walaalka la dhashay weeraryahanka Edison Cavani ayaa ka hadlay xaqiiqada warar xiddiga uu wakiilka u yahay la xidhiidhinaya kooxda Man United.

Saacadihii la soo dhaafay ayaa si weyn la iskula dhexmarayaa in ay kooxda Man United si xor ah ugu guulaystay heshiiska xiddiga reer Uruguay kaas oo noqon doona xiddig Red Devils ah.

Markii wax laga waydiiyay wakiilka xiddiga in uu Cavani ku biirayo United ayuu u sheegay wargayska insidefutbol” Haa, arintaas waa sax”.

“Waxa jira heshiis dhexmaray xiddiga iyo kooxda Man United”.

Wararka kale ayaa sheegaya in uu Cavani saacadaha soo socda soo gaadhi doono magaalada Manchester Si uu u dhamaystiro heshiiska.

Xiddiga ayaa la sheegayaa in uu jeebka ku shuban doono mushahar 200 kun oo todobaadkii ah iyo 10 milyan oo hordhac ah oo uu ku saxiixi doono heshiiska.

Toos U Daawo:Shirweynaha 4-aad Ee Xisbiga KULMIYE

Laacib.net

Source: laacibfm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here