Wargaysyada ka soo baxa England ayaa maanta ka hadlay xaalada Liverpool ee suuqa kala iibsiga xagaagan kadib markii ay muddo ka soo wareegtay furitaanka suuqa.

Liverpool ayaa kaliya ilaa Haatan suuqa xagaaga oo muddo bil ah furan la soo wareegtay xiddiga daafaca bidix ka ciyaara ee Kostas Tsimikas kaas oo ay ka soo bixisay 11 milyan oo euro.

Wargayska The Athletic ayaa sheegaya in ay Liverpool dajisatay xal ay ugu xoojinayso kooxda inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan inkasta oo ay wajahayso xaalad dhaqaale xumo.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Liverpool diyaarinayso in ay iibiso xiddigaha aan muhiimka ka ahayn kooxda xagaagan si ay ula soo saxiixato xiddigo ay ku xoojiso kooxda.

Isla wargayska ayaa sheegay in ay liverpool 60 ilaa 70 milyan ka samayn doonto iibka xiddigaha Xherdan Shaqiri, Marko Grujić iyo Harry Wilson kuwaas oo aan ka mid ahayn qorshaha Jurgen Klopp.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here