Kooxda Arsenal ayaa garaacday kooxda Fulham kulankoodii ugu horeeyay ee xilli ciyaareedka cusub ee horyaalka premier League iyaga oo guul 3/0 ah gaadhay.

Goolal ay dhaliyeen xiddigaha Alexandre Lacazette, Gabriel & Pierre-Emerick Aubameyang ayaa Arsenal ku hogaamiyay guul ay u qalmeen oo ay ka gaadheen kooxda Fulham.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa xaqiiqooyinkii laga diwaan galiyay kulankii ay Arsenal ka badisay Fulham.

1.Alexandre Lacazette ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay ee gool dhaliya kulanka ugu horeeya ee xilli ciyaareedka premier League isaga oo sidoo kale dhaliyay kulankii Leicester City ee xilli ciyaareedkii 2017/2018.

2.Gabriel ayaa noqday xiddigii 10-aad ee gool u dhaliya Arsenal kulanka ugu horeeya ee premier League iyo midkii ugu horeeyay tan ilaa markii uu Thomas Vermaelen sidaas sameeyay bishii August sanadkii 2009 markaas oo uu gool ka dhaliyay Everton.

3.Pierre-Emerick Aubameyang ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay ee Arsenal gool u dhaliya kulanka ugu horeeya ee xilli ciyaareedka prmeier League laba xilli ciyaareed oo xidhiidh ah tan ilaa Robert Pires oo sidaas sameeyay 2003 iyo 2005.

4.Willian ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay ee Arsenal laba gool caawiye ka noqday kulankiisi ugu horeeyay ee premeir League tan ilaa Ray Parlour kaas oo sidaas sameeyay bishii August sanadkii 1992 markaas ay Arsenal la ciyaaraysay Liverpool.

5.Arsenal ayaa badisay kulanka ugu horeeya ee premier League xilli ciyaareedkii 2-aad oo xidhiidh ah markii ugu horaysay tan ilaa 2007/2008 iyo 2009/2010 markaas oo ay 3 kulan badisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here