Kooxda Barcelona ayaa u muuqata kuwo tallabada hore u qaaday saxiixa xiddiga kooxda chelsea uga ciyaara khadka dhexe ee N’Golo Kante sida ay sheegayaan wararku.

Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhawdahay in ay heshiis hordhac ah la gaadho xiddiga N’Golo Kante ka hor suuqa January iyada oo xavi doonayo in uu xiddiga reer France ku xoojiyo khadkiisa dhexe xilli ciyaareedka dambe.

Sida laga soo xigtay Sport, xiddiga chelsea ayaa ku dhaw in uu Barcelona la gaadho heshiis iyada oo heshiiskiisa Blues ee haatan dhici doono dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Xiddiga Kante ayaa ka soo kabsanaya dhaawac u diiday in uu xulka qarankiisa France kala qayb galo koobka adduunka waxana uu isku diyaarinayaa in uu garoomada ku soo laabto.

Iyada oo kaliya 6 bilood uga dhimantahay heshiiskiisa kooxda chelsea xiddiga ayaa haatanba heshiis la gaadhi kara kooxda uu doonayo in uu qaab xor ah ugu biiro xagaaga.

Wargayska Sport ayaa sheegaya in xiddiga 31 jirka ah wadahadalo horumar leh kula jiro Barcelona waxana ay isku diyaarinayaan in ay saxiixaan heshiiska labada dhinac.

Laakiin Kante ayaa xilli ciyaareedkan ku dhamaysan doona kooxda chelsea isaga oo qaab xor ah ugu wareegi doona Barcelona dhamaadka xilli ciyaareedkan.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here