Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay ay ka fiirsanayso in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo laakiin waa hadii uu Lionel Messi ka tago kooxda xagaagan.

Mustaqbalka Lionel Messi ee kooxda Barcelona ayuu shaki weyn ku jiraa kadib guuldaradii Barcelona ka soo gaadhay kooxda Bayern Munich champions League.

Kooxda Barcelona ayaa khal-khal gudaha ah ku jirtay tan ilaa ceebtii Bayern Munich iyada oo xiddiga reer Argentine si weyn uga xanaaqay kooxdiisa.

Lionel Messi ayaa xitaa tababaraha cusub ee kooxda Barcelona ee Ronald Koeman ku war galiyay in uu isaga tagayo kooxda Barcelona xagaagan xilli ay kooxo badan dalab diyaar ula yihiin lana xidhiidhinayo kooxaha PSG, Juventus, Inter Milan iyo Man City.

Wargayska Mundo Deportivo ayaa sheegaya haatan in ay Barcelona si dhab ah uga fiirsanayso in ay u dhaqaaqdo saxiixa Cristiano Ronaldo hadii uu Lionel Messi ka tago kooxda xagaagan.

Cristiano Ronaldo ayuu dhankiisa shaki ku jiraa mustaqbalkiisa Juventus kadib markii ay Kooxdiisu Wareega 16-ka kaga hadhay champions League.

Sidoo kale Juventus ayaa la sheegayaa in ay doonayso in ay hoos u dhigto mushaharka ay bixiso taas oo la macno ah in ay iska dirto Ronaldo oo snaadkii 30 milyan jeebka ku shubta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here