Tababaraha Chelsea ee Frank Lampard ayaa khatar ugu jira in laga caydhiyo shaqada kooxda chelsea kadib markii ay kooxdu si xun ku bilaabatay xilli ciyaareedka horyaalka inkasta oo ay kooxdu samaysay saxiixyo waaweyn.

Chelsea ayaa ciyaartay 4 kulan iyaga oo kaliya hal kulan badiyay tartamada oo dhan kaas oo ahaa kulankii ay guusha ka gaadheen Brighton laakiin waxa ay guuldaro kala kulmeen Liverpool iyo Tottenham halka ay bar-baro la galeen West Brom.

Saxafiga Manuel Veth ayaa bogiisa Twitter-ka ku soo qoray”Chelsea waxa ay raadinaysaa tababare cusub, ilo wareedyo ku dhaw kooxda ayaa ii sheegay in ay doonayaan tababaraha RB Leipzig ee Julian Nagelsmann laakiin waxa ku adkaan doont in ay helaan tababarahaas laakiin waxa ay bartilmaameedkooda 1-aad ka dhigteen tababaraha kooxda PSG ee Thomas Tuchel”.

Tuchel ayaa dhankiisa ku dhaw in laga caydhiyo shaqada PSG kadib markii ay si xun ku bilowdeen xilli ciyaareedka sidoo kale uu xidhiidh xun la leeyahay maamulka sare ee kooxda.

Sii Akhriso: DEG-DEG: Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump Oo Cusbitaalka La Dhigay & Xaaladiisa Oo Sii Xumaanaysa.

Laacib.net

Source: laacibfm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here