Kabtanka Portugal, Cristiano Ronaldo, ayaa ugu hanjabay macalinkiisa, Fernando Santos, inuusan dhameystiran doonin Koobka Adduunka ee Qatar 2022 kadib markii kaydka la dhigay kulankii Switzerland ee wareegga 16-ka, oo ay 6-1 ku badisay.

Ronaldo ayaan kulankaan ka qeyb galin, iyada oo kaydka lagu bilaabay xiddiga lagana doorbiday xiddiga kooxda Benfica ee Gonzalo Ramos, kaasoo seddexley ka dhaliyay Switzerland, islamarkaana bedelay weeraryahankii hore ee Manchester United.

Sida laga soo xigtay wargeyska Portuguese-ka ah ee “Record”, Ronaldo ayaa tabaabraha xulka qarankiisa ugu hanjabay in uu ka tagi doono xulka Qaranka Portugal kadib dhacdadaas.

Dhibaatadu waxay ka bilaabatay ciyaartii Portugal iyo South Korea, markaasoo Santos uu bedelay Ronaldo, daqiiqadii 65aad, natiijaduna ahayd 1/1 waxana la arkay xiddiga oo si weyn uga xanaaqsan dhacdada.

Ka hor kulankii Switzerland, Santos ayaa shirkiisa jaraa’id ku yiri: “Ma jecli falcelinta Ronaldo haba yaraatee, laakiin dhibaatooyinkan oo kale waxa lagu xalin doonaa kooxda dhexdeeda waxana aan ka fikiraynaa kulanka Switzerland sababtoo ah waa tan ugu muhiimsan”.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here