Kooxda Man City ayaa lagu soo waramayaa in ay heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi sida ay sheegayaan wararku.

Lionel Messi ayaa si aad ah u doonaya in uu isaga tago kooxda Barcelona xagaagan isaga oo doonaya in uu Guardiola kula midoobo Man City.

Xiddiga reer Argentine ayaa warqada bixitaanka u gudbiyay kooxda Barcelona isaga oo ka codsaday in uu doonayo in uu isaga tago kooxda.

Man City ayaa lagu soo waramayaa in ay ogolaatay in ay bixiso lacag dhan 70 milyan oo euro oo mushaharka Lionel Messi ah si ugu soo biiro xagaagan.

Arintaas ayaa la macno ah in uu Lionel Messi todobaadkii mushahar ahaan u qaadan doono 1 milyan oo euro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here