Xulka qaranka Brazil ayaa u muuqda in ay helaan tababaraha cusub ee hogaamin doona xulka qaranka kadib fashilkii koobka adduunka ee Qatar 2022.

Xidhiidhka xulka Brazil ayaa wadahadalo la bilaabay tababarihii hore ee kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane si uu shaqada uga badalo Titte.

Xulka Brazil ayaa shaqada ka caydhiyay Tite kadib markii uu xulka Brazil wareega 8 dhamaadka kaga hadheen koobka adduunka Qatar ka socda.

Zinedine Zidane ayaa bilaa shaqo ah tan ilaa markii uu ka tagay kooxda Real Madrid waxana lala xidhiidhinayay shaqooyin badan oo tababaranimo.

Xidhiidhka Brazil ayaa haatan wadahadalo kula jira Zidane si uuu noqdo tababaraha cusub ee xulka qaranka una hogaamiyo xulka Brazil.

Zinedine Zidane ayaa lala xidhiidhinayay xulka France laakiin xidhiidhha France ayaa u muuqda mid sii haysan doona tababaraha haatan hogaaminaya xulka.

Tababare Zinedine Zidane ayaa diyaar u ah in uu ku soo laabto shaqada tababaranimo kadib markii uu helay Nasiino fiican oo uu kaga soo kabsaday dadaalkii uu bixiyay.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here