Halyeeyga Kooxda Man United ee Rio Ferdinand yaa xaqiijisay in uu tababaraha Chelsea ee Frank Lampard doonayo saxiixa xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi.

Barcelona ayaa la kulantay dhirbaaxo kadib markii uu kabtankooda ahna Halyeeyga kooxdu ka codsaday in uu si xor ah uga tago kooxda Barcelona xagaagan.

Messi ayaa sheegay in uuna doonayn in uu ka hoos ciyaaro tababaraha Ronald Keoman kaas oo shqada ka badalay tababare Quique Setien.

Xiddiga 33 jirka ah ayaaa haatan doonaya in uu isaga tago kooxda Barcelona ka hor dhamaadka bisha soo socota.

Kooxaha Man City iyo Inter Milan ayaa ugu cad-cad kooxaha doonaya saxiixa xiddiga reer Argentine waliba awooda u leh in ay la soo saxiixdaan.

Laakiin Rio Ferdinand ayaa si lama filaan ah u xaqiijiyay in ay kooxda chelsea si dhab ah u doonayso saxiixa xiddiga garabka weerarka ka ciyaara.

Rio Ferdinand ayaa Twitter-kiisa ku soo qoray” Waxa aan haatan maqlay in uu Frank Lampard doonayo in uu Chelsea keeno Lionel Messi, suuq fiican hadii uu Lampard dhamaystiro heshiiska”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here