Weeraryahanka kooxda Real Madrid ee Eden Hazard ayaa lagu soo waramayaa in uu wadahadalo la yeeshay Tababaraha Kooxda Al-Nassr ee Rudi Garci si uu ugala hadlo ku biirista kooxda reer Saudi Arabia.

Al-Nassr ayaa haatan si xor ah kula soo wareegtay Cristiano Ronaldo, laakiin kooxda ayaa wali lala xiriirinayaa xiddigo kale oo waaweyn oo ay ku jiraan Sergio Busquets, Sergio Ramos, Lionel Messi iyo N’Golo Kante.

Sida laga soo xigtay El Chiringuito, kooxda Saudi Arabia ayaa sidoo kale xiiseynaya Hazard, waxaana dhawaan dhacay wadahadalo u dhexeeya labada dhinac.

Xiddiga reer Belguim ayaa lagu soo waramayaa in uu la kulmay tababare Garcia, kaasoo uu kaga soo hoos ciyaaray kooxda Lille waxana jira warar sheegaya in ay doonayaan in ay midoobaan.

Hazard ayaa weli 18 bilood oo kale uga harsan tahay heshiiskiisa Real Madrid laakiin waxa uu ku dhibaatoonayaa in uu boos joogto ah ka helo kooxda Real Madrid.

Laacibka reer Belguim ayaa Real Madrid kaga soo biiray Chelsea bishii July ee sanadkii 2019 waxana uu Real Madrid u ciyaaray 73 kulan waxana uu dhaliyay 7 gool Waxana uu caawiye ka noqday 11 kale.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here