Ben White ayaa sheegay inuu ku dhiirrigeliyay Viktor Gyokeres inuu ku soo biiro Arsenal markii ay wada hadleen xagaaga, isla markaana uu weeraryahanka ku tilmaamay mid ka mid ah xirfadlayaasha ugu wanaagsan ee uu abid ku arkay kubadda cagta.

Maamulka Arsenal ayaa mudnaanta koowaad siiyay saxiixa weeraryahan dhexe bilowgii suuqa kala iibsiga xagaaga, waxaana ay qiimeeyeen weeraryahanno caan ah oo badan ka hor intaysan go’aansan u dhsqaaqista Gyokeres.

Inkasta oo Manchester United tartan adag la gashay Arsenal tartanka ku aadan saxiixa xiddiga hadana Arsenal ayaa ugu dambayn ku guuleystay saxiixa xiddiga.

Ka dib markii uu qalinka ku duugay heshiis shan sano ah oo uu kula jiro Emirates, Gyökeres ayaa dhaliyay labo gool saddexdiisii kulan ee ugu horreeyay ee Premier League, kuwaas oo labaduba ka yimid guushii 5-0 ee kooxdu kaga badisay Leeds.

Ka hor inta uusan si weyn uga dhex iftiimin kubadda cagta Portugal isagoo u dhaliyay Sporting 97 gool 102 kulan, Gyökeres waxa uu waqti aan xusid badnayn ku qaatay xeebta koonfureed isagoo la joogay Brighton.

Gyökeres wuxuu u saftay kaliya siddeed jeer Seagulls, isagoo hal mar oo keliya gool dhaliyay waqtigaas, waxaana uu si dhab ah magac uga sameeyay ciyaaraha waaweyn markii uu joogay Coventry City.

“Haa, waan garanayaa Viktor si fiican,” ayuu yiri daafaca Arsenal White oo la hadlay mareegta rasmiga ah ee kooxda, markii la weydiiyay ku soo laabashadiisa ciyaaryahankii hore ee Brighton oo ay hadda mar kale isku soo arkeen.

“Waxaan muddo dheer isla joogno Brighton, qiyaastii saddex ama afar sano, xitaa markaas ayaan dareemayay inuu u qornaa guul weyn. Laga soo bilaabo maalintii uu yimid Brighton, waxaa lagu daray kooxda da’yarta 21-jirka ah, waxaana markaasba la arkayay inuu leeyahay wax gaar ah oo ka duwan.

“Aniga iyo isaga ayaa mar kasta ka soo qaadi jirnay kooxda dhalinyarada si aan ula tababaranay kooxda koowaad, sidaas darteed waxaan waqti badan wada qaadan jirnay.

“Run ahaantii si joogto ah uguma aanan soo gelin kooxda koowaad markaas, laakiin mar walba waxaan ku dhoweynay inaan ku dhex milanno marka aan da’yar ahayn.”

“Waxaan waxoogaa la hadlay ka hor inta uusan saxiixin, laakiin arrimo badan ayaa socday, sidaas darteed ma doonayn inaan dhib ku noqdo.

“Waxaan u sheegay oo kaliya inuu halkan jeclaan doono, laakiin waxaan u maleynayaa inuu taas horeba ogaa.”



Source link

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here