Wargayska Mundo Deportivo ayaa lagu soo waramayaa in uu xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Barcelona ee Ousmane Dembélé ogolaaday in uu ku biiro kooxda Man United xagaagan.

Wararka ayaa sheegaya in ay Man United dar-dar galisay wadahadalada ay ku doonaysay xiddiga Ousmane Dembélé kadib markii ay isaga hadhay baacsiga ay ugu jirtay saxiixa xiddiga Dortmund ee Jadon Sancho.

Wargayska Mundo Deportivo ayaa maanta oo jimce ah sheegtay in uu Paul Pogba yahay xiddiga Ousmane Dembélé ku qanciyay in uu ku biiro Old Trafford.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu Pogba si shaqsi ah ula xidhiidhay xiddiga Ousmane Dembélé si uu ugu qanciyo in uu ku biiro Man United.

Xiddiga Ousmane Dembélé ayaan u ciyaarin kooxda Barcelona labadii kulan ee ay Barcelona ilaa haatan ciyaartay horyaalka La Liga xilli ciyaareedka.

Sii Akhriso: DEG-DEG: Madaxweynaha Dalka Maraykanka Ee Donald Trump & Xaaskiisa Oo Laga Helay Xanuunka Korona.

Laacib.net


Source: Laacibfm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here