Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa haysta dookhyo badan oo uu kaga kabsan karo masiibada dhaawac ee ku habsatay kooxdiisa xilli ciyaareedkan.

Joe Gomez ayaa Virgil Van Dijk kula biiray qolka daawaynta waxana la filayaa in uu garoomada ka maqnaado inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Reds ayaa sugaysa nnatiijada baadhitaanka xiddiga iyaga oo rajaynaya in ay war fiican ka helaan xaaladiisa dhaawac.

Kooxda Liverpool ayaa haysata dookhyo xiddigo da’yar ah oo ay kaga bixi karaan xaalada dhaawac inta laga gaadhayo suuqa January.

Wargayska The Athletic ayaa sheegaya in ay xiddigaha Liverpool haatanba ogyihiin xiddiga badali kara Joe Gomez kana ciyaari kara booskiisa kulamada soo socda.

Wargayska ayaa sheegaya in ay xiddigaha kooxda Liverpool aaminsanyihiin in uu xiddiga da’yarka ah ee Billy Koumetio yahay xiddiga badali doona Joe Gomez kulanka Leicester City ee premier League.

Xiddiga Billy Koumetio ayaa kulankiisii ugu horeeyay ee Liverpool ciyaaray kulankii Community Shield isaga oo qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay.

Source: laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here