Xiddigii Garoonka Ee Fernandes La Siiyey, Saddexdii Ciyaartoy Ee Ku Qabsaday Iyo Qiimaynta Kulankii Brighton & Man United

Manchester United waxay guul raaxo leh ka gaadhay Brighton oo ay marti u ahayd, waxaanay jeebadda gashatay saddex dhibcood oo siiyey fursad ay culayska ugu kordhiso Chelsea iyo Leicester City oo afraad iyo saddexaad ku jira.

Bruno Fernandes ayaa indhaha daawadeyaasha xaday, waxaanu sameeyey bandhig cajiib ah oo uu ku darsaday laba gool oo uu shabaqa taabsiiyey, laakiin Mason Greenwood ayaa ahaa laacibka ka horreeyey ee sida weyn sacabka loogu tumay markii uu gool qurux badan si qabow ugu dhiibay hoggaanka kooxdiisa.

Daqiiqaddii 16aad ayay Man United furatay diiwaanka goolasha oo uu ku hor qotay Mason Groonwood oo goolkiisii 13aad ee xili ciyaareedkan u dhaliyey kooxdiisa, labada kalena waxa labadii qaybood ee ciyaarta ka daba geeyey Fernandes.

Paul Pogba ayaa garab weyn ka siiyey Fernandes goolka hore, midka labaadna waxa ka caawiyey Greenwood.

Xiddigii garoonka

Laacibka khadka dhexe uga ciyaara Manchester United ee Bruno Fernandes oo laba gool dhaliyey ayaa loo doortay xiddigii ugu fiicnaa garoonka, waxaana uu helay qiimayntii ugu sarraysay ee garoonka.

Fernandes ayaa la siiyey darajo aanay helin ciyaartoydii kale ee garoonka joogtay, waxaanay ahayd qiimaynta darajada 9.

Saddexdii ciyaartoy ee Fernandes ku qabsaday xiddignimada

Mason Greenwood oo gool dhaliyey, midna caawiyey ayaa ka mid noqday saddexda ciyaartoy ee kusoo xigay Fernandes ee isku dayay inay ku qabsadaan xiddiga garoonka, waxaana soo raacay David de Gea iyo Aaron Wan-Bissaka.

Saddexdan ciyaartoy waxay qiimaynta garoonka ka heleen heerka labaad ee ugu sarreeyey oo ahaa darajada 8.

Qiimaynta ciyaartoyda labada kooxood:

Brighton: Ryan (5), Lamptey (6), Dunk (5), Duffy (5), Burn (5), Montoya (5), Bissouma (5), Stephens (5), Propper (6), Mac Allister (5), Connolly (6).

Beddelka: Bernardo (n/a), Mooy (n/a), March (n/a), Trossard (7), Maupay (6).

Man Utd: De Gea (8), Wan-Bissaka (8), Lindelof (7), Maguire (7), Shaw (7), Matic (7), Pogba (7), Greenwood (8), Fernandes (9), Rashford (7), Martial (7).

Beddelka: Williams (5), Pereira (5), McTominay (5), James (5), Ighalo (5).

App-ka cusub ee laacibfm.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Source: laacibfm

WARARKII