Hadii lagu waydiiyo xiddigaha ugu fiican taariikhda kubada cagta waxa shaki la’aan ah in aad liiska ugu horaysiinayso Xiddigaha Lionel Messi & Cristiano Ronaldo.

Xiddigaha Lionel Messi & Cristiano Ronaldo ayaa wax walba ka sameeyay kubada cagta waxana ay mar walba jabiyaan rikoodho kala duwan hadii ay xitaa garoonka u galaan ciyaarista kulan.

Laakiin waxa jirta hal arin oo ilaa haatan xirfadooda ciyaareed ku adkaatay in ay sameeyaan tan ilaa markii ay bilaabeen ciyaarista kubada cagta marka laga hadlyo xirfadooda xulalka.

Ma rumaysanaysaa hadii lagu yidhaado in ayna xiddigaha Lionel Messi & Cristiano Ronaldo waligood gool ka dhalin kulamada bug baxa ee koobka adduunka ilaa haatan.

Labada xiddig ee Lionel Messi & Cristiano Ronaldo ayaa xulalkooda la gaadhay wareega bug baxa koobka adduunka kadib markii ay ka gudbeen wareega Group-yada.

Marka loo eego in ay ciyaari doonaan koobkoodii ugu dambeeyay ee adduunka xiddigaha Lionel Messi & Cristiano Ronaldo ayaa haysta fursadii ugu horaysay ee ay kaga bixi lahaayeen abaartaas



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here